Far Soomaali
Far Soomaali (Af Ingiriis : Somali alphabet) waa wadarta iyo nidaamka wax qorista ee Dadka Soomaalida. Sida taariikhda lagu sheegay, dadka Soomaalida ah waxay soo lahaayeen dhowr nooc oo waxqoris ah; kuwaasi waxaa ka mid ah Farta Cusmaaniya, Far Boorama (sidoo kale loo yaqaano Far Gadabuursi), Qoraal Kaddare iyo habka maanta la isticmaalo ee Alifbeet Soomaali Laatiinka ah. [1]
Hordhac
Guud ahaan, Far Soomaaligu waa nidaam iyo farshaxan noocyo badan oo kala duwan ah oo leedahay bulsho weynta Soomaalida. Sidaasi ay tahay waxa sida rasmiga ah ee dowlada iyo dadku hirgeliyeen waa Far Soomaaliga laga soo xigtey qaabka Latiniga ah.
Intii ka horeeysay Kacaanka Umada Soomaaliya waxaa jirey noocyo badan oo qaabka wax loo qoro ah kuwasi waxaa ugu caansanaa:
- Far Borama ama Far Gadabuursi midaasi oo sanadkii 1933kii uu alifey aqoonyahan Sheekh Cadbiraxmaan Sheekh Nuur oo ku sugnaa magaalada Borama.
- Cusmaaniya qaabka loo qoro 𐒋𐒘𐒈𐒑𐒛𐒒𐒕𐒀, waa farshaxan qoraal uu alifey Cusmaan Yusuf Keynadiid sanadihii u dhexeeyay 1920kii ilaa 1922kii.
- Kaddare waa far qaab u dhow Far Gadabuursiga midaasi oo sanadkii 1952kii uu alifey Xuseen Sheekh Axmed Kaddare.
Intaasi waxaa dheerayd in dadka Soomaalida ah isticmaali jireen farta Carabiga tan iyo wakhtiyadii diinta Islaamku soo gaadhay dhulka Soomaalida, midaasi oo caan ku ahayd malcaamadaha iyo goobaha lagu barto cilmiga diinta Islaamka iyo Quraanka. Si kastaba ha ahaatee, sanadkii 1972kii ayaa Kacaankii Umada Soomaaliyeed ku soo kordhiyeen waxay ahayd hirgelinta qoritaanka Far Soomaaliga, taasi oo noqotey mid dhaxalgal u ah bulsho weynta ku hadasha luuqada Af-Soomaaliga. Si loo fidiyo oo loo kobciyo qoritaanka luuqada Soomaaliga ayaa dowladu waxay samaysay Ololihii Af-Soomaaliga ee bilaabmey sanadkii 1974tii, wakhtigaasi oo dugsiyada la xidhey si 25,000 oo arday iyo 3,000 askarta ciidanka xooga ah u tegaan miyi iyo magaalo si ay u soo baraan qoritaanak farta cusub e Af-Soomaaliga. Dhowrkii sano ee xigay waxaa dowladu ka gaadhay heer sare ololahaas baritaanka farta Soomaaliga iyada oo sii kordhisey dadaalkii iyo tababaradii.
Soomaali Laatiin
Farta dowliga ah ee wadanka Soomaaliya oo loo yaqaano Alifbeet Soomaali Laatiin waxaa alifey oo habeeyay aqoonyahano badan oo Soomaali ah, kuwaasi oo hormuud u ahaa Shire Jaamac Axmed. Nidaamkani wuxuu ka kooban yahay dhamaan alifbeetka Af-Ingiriiska marka laga reebo p, v iyo z, waxaana lagu daray 5 shaqal iyo 21 shiibane.[2]
Nidaamka Carabiga
Ka hor intaanay iman gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga, dadka Soomaalida ah waxay isticmaali jireen nidaam waxqoris oo laga soo xigtay Farta Carabiga.[3] Nidaamkaasi waxaa loo yaqaanaa Far Wadaad.[4]
Farta Cusmaaniya
Farta Cusmaaniya, meelaha qaar looga yaqaano Far Soomaali waa nidaam kale oo wax qoris ay dadka Soomaalida isticmaalaan taasi oo alifey Cismaan Yuusuf Keenadiid. Marki uu qoray fartan waxay ehayd, intii u dhaxaysay 1920 ilaa 1922, laakiin nasiib darro, farta nuuaan ah bulshada oo dhan may gaarin. Markii hore waxa jiray muran ku saabsan farta ay yeeln doonto luqada soomaaligu. Faro kala duwan oo la soo qori jiray waxa ka mid ah farta Boorama, farta kadaare iyo Farta Wadaadka oo ah farta carabiga. waxaana 1972 lagu wada hishiiyay farta laatiinka ah. Marka laga reebo Far Wadaadka, tani waxay ahayd fartii ugu horaysay ee ay Soomaali qorto.[5]
Far Boorama
Far Boorama (sidoo kale loo yaqaano Far Gadabuursi) waxaa alifey Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur oo macalin ka ahaa magaalada Boorama.[6] Nidaamka qorida Farta Boorama waa mid aad uga duwan Farta Cusmaaniya. Fartani waxay leedahay shaqalo gaaban iyo kuwo dhaadheer, hakadyo iyo hingaad intaba ka dhex muuqata qoraalka.[7]
Inkastoo aanay soo shaacbixin isla markiiba, maanta waxaa la helayaa qoraalo badan iskugu jira diini, gabayo, cilmi iyo taariikh oo Sheekh Cabdiraxmaan iyo xertiisu ku qoreen Farta Boorama.[8]
Farta Kaddare
Farta Kaddare waxaa alifey Xuseen Sheekh Axmed Kaddare sanadkii 1952dii.[9] Nidaamka qoraalka fartani waxay aad ugu qaab dhowdahay farta Cusmaaniya, laakiin waxay kaga duwan tahay nidaamka shaqaleynta iyo adkeynta ereyada.[10]
Sidoo kale fiiri
Linkiyo kale
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: |
- The Origins of abc
- "Language, Writing and Alphabet: An Interview with Christophe Rico", Damqātum 3 (2007)
- Michael Everson's Alphabets of Europe
- Evolution of alphabets Archived Mey 17, 2008 // Wayback Machine, animation by Prof. Robert Fradkin at the University of Maryland
- How the Alphabet Was Born from Hieroglyphs Archived Abriil 29, 2010 // Wayback Machine—Biblical Archaeology Review
- An Early Hellenic Alphabet Archived Jannaayo 15, 2014 // Wayback Machine
Tixraac
- ↑ Andrezewski, B. W. Lulu. p. 232. ISBN 1291454535 http://www.google.com/books?id=90CdBQAAQBAJ&source=gbs_navlinks_s. Soo qaatay 17 January 2015. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ Andrew Simpson, Language and National Identity in Africa, (Oxford University Press: 2008), p.288
- ↑ . Omniglot http://www.omniglot.com/writing/somali.htm. Soo qaatay 17 October 2013. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ Andrezewski, B. W. Lulu. pp. 130–131. ISBN 1291454535 http://www.google.com/books?id=90CdBQAAQBAJ&source=gbs_navlinks_s. Soo qaatay 17 January 2015. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha. Ministry of Information and National Guidance. p. 5 http://books.google.ca/books?id=v-GwAAAAIAAJ. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ David D. Laitin (1 May 1977). University of Chicago Press. pp. 98–. ISBN 978-0-226-46791-7 http://books.google.com/books?id=LR8A4tEYZUAC&pg=PA98. Soo qaatay 2 July 2012. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ I.M. Lewis (1958), The Gadabuursi Somali Script, Bulletin of the School of Oriental and African Studies, University of London, Vol. 21, pp. 134–156.
- ↑ the Borama script was principally used by Nuur and his circle of associates in his native city of Borama.
- ↑ Laitin, David D. University of Chicago Press. p. 87. ISBN 0226467910 http://books.google.com/books?id=LR8A4tEYZUAC. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ Simon Ager, Kaddare transcription